Xumno Iska Casilay Gudiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ee Somaliland.(Akhriso)

Iyadoo shalay Guddoomiyaha Aqalka Sare cabdi Xaasji Cabdullahi uu magacabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo la socon doona doorashada Xildhibaanada ka imaan doona Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ka hor yimid Magacaabistaas mid ka mid ah Guddigii la magacaabay.

Senator Cabdirisaaq Axmed Cali oo ka mid ahaa guddigaas ayaa sheegay in arrinta Magacaabista ay layaab ku noqtay uusana war ka haynin, waxaa sidoo kale uu sheegay in markii guddiga lagu darayay aan lagala tashan.

Odayaasha kasoo jeeda Somaliland ayuu ku war galiyay in uusan wax lug ah ku laahyn howlaha uu wado guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana uu sheegay in uu waafaqsan yahay go aan kii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ay sii Magacaabi doonto Dowladda Federaalka. Iyadoo wada tashi la samaynaysa Siyaasiyiinta kasoo jeedda Somaliland.

Halkan Hoos ka Aqriso

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga Ee Qaranka Somaliya.

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo ka Dayrisay Marxalado ka Taagan Somaliya

Heemaall

Muqdisho:- Nin Dil Argagax Leh U Geystay Haweeney ay kala Tageen.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy