Heemaal News Network
somali

Xuquuqul Insaanka Itoobiya Oo Xoogaga TPLF ku Eedeeyay Dilal Badan Iyo Xadgudubyo.

Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee dowladda Itoobiya magacawdey, ayaa ku eedeysay dagaal-yahanada Tigreegu ay tobannaan qof oo rayid ah ku dileen gobolka ay deriska yihiin ee Axmaarada.

Gudiga ayaa sheegtay in uggu yaraan boqol iyo sideetan iyo afar qof la diley, kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyey iney xog-ogaal ahaayeen ama ay gacan siiyeen ciidamada federaalka dowladda Itoobiya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in dagaal yahanadu ay si aan kala sooc laheyn u duqeeyeen goobo kamid ah magaalooyinka.

Jabhadda Xoreynta Tigreega, ayaa beenisay eedeymaha loosoo jeediyay ee ahaa xadgudubyada iyo dilal ay ka geysteen gobolka Amxaarada, iyagoo Tigreegu duulaan ku qaadeen gobolkaasi bilihii July iyo August ee lasoo dhaafey.

Related posts

Gaalkacyo: Nin Horay dad Shacab Ah U Laayey Oo Si kadis Ah Loo Qabtay

Heemaal

Madaxweynihii Dalka Chad Oo la Dilay.

Heemaall

12 Musharax Oo Isku soo Taagay Doorashada Gudoonka Aqalka Sare

Heemaall