Heemaal News Network
Soomaaliya

Xuska Maalinta Loo Asteeyey Xanuunka Aidska Iyo Somalida Qabta

1 December oo ah maalinta loo asteeyay xanuunka dilaaga ah ee HIV Aids ayaan wali la garaneyn tirada rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ee cudurkaasi uu hayo. Adduunka oo dhan waxa la ogyahay in firuska HIV ay la nool yihiin dad lagu Sheegay 37.9 milyan oo qof. Halka ay dalka Maraykanka Soomalida ku nooli safka hore kaga jirto qoomiyadaha ugu badan ee uu hayo.

Dadka la nool xanuunka AIDS-ka ee ku nool deegaanada ay Soomaalidu degto ayaa la sheegayaa inay la kulmaan faquuq baahsan.

Dadka xanuunkan la noolse waxa ay ku doodayaan in cudurkan uu ku iman karo sababo badan oo ay ka mid tahay qadar Alle, dadkuna ay tahay inay fahmaan in xanuunkan lala noolaan karo.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka HIV waxay rabaan iney bulshada ku baraarujiyaan waxbarashada la xiriirta jinsiga iyo cudurrada galmada lagu kala qaado.

HIV Aids waa mid ka mid ah cudurada dilaaga ah uguna halista badan ee galmada laga kala qaado wuxuuna halis badan maanta ku hayaa sii jiritaanka Aadanaha.

Dhamaadkii 2009 waxaa la sheegay in xanuunkan la nool yihiin 34-milyan oo qof halka ay qiyaas ahaan u dhinteen 1.8-milyan oo qof waana cudurka dhimashada ugu badan laga dhaxlo tan iyo markii la ogaaday halistiisa. Si gaar ah waxaa la sheegay sanadii 2005 in 25-milyan oo qof oo ku noolool dalalka Saxaraha hoostiisa ku yaalo qabaan HIV Aids. Sidaa darteed saameynta HIV waa mid ballaaran oo Dunida oo idil halis ku ah.

Waa cudur qatartiisa wato oo siyaabo kala duwan loo kala qaado Galmada, dhiiga la isku shubo, naas nuujinta, qalab lagu qalay qof xanuunka qabo oo qof kale loo adeegsado iyo siyaabo kale ayaa lagu kala qaadaa.

Marka hore qofka xanuunka ku dhaco wuxuu joogaa marxalada HIV kadibna wuxuu usii gudbaa Aids waa marka jirkiisa unugyada uu dilo qofkana tababarta ama difaaca ka dhamaado. Wax daawo ah malahan HIV laakiin wuxuu leeyahay daawooyin qofka la siin karo marka uu marxaladda HIV joogo si difaaca jirkiisa uusan isku dhimin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More