Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun kama dambeys ah ku mamnuucday dabbaaldegga dhalasho ee wadaadka Yuhuudda ee “Abu-Xasira”, oo sannad walba lagu qabto mid ka mid ah tuulo ku taalla dalka ee Masar.

Maxkamaddu ayaa amar ku bixisay in qabrigii uu ku aasnaa wadaadka Yuhuudda ee Abu-Xasiirah in laga saaro liiska waxyaabaha qadiimiga ah ee Islaamka iyo Qibdiyiinta ee dalka Masar, waxayna maxkamaddu diidday codsiga ay Yuhuudda u soo gudbisay ee ahaa in meydkiisa loo wareejiyo Israa’iil.

Xukunkan ay maanta maxkamada ku mamnuucday dabaaldagyada yahuuda ayaa noqonaya xukunkuu labaad, waxaana lix sana ka hor xakun kaa la mid ah soo saartay Maxkamadda Alexandria.

Maamulka sare ayaa diidday racfaanki loo soo gudbiyay iyada oo dowladda Masar ay codsatay in xukunki hore ee maxkamadda Alexanderia uu u noqdo mid kama dambeys ah.

Maxkamadda Alexanderiya ayaa 2014-kii soo saartay go’aan ay ku mamnuuceyso macbadka Abu Xasiira iyo qabuuraha Yuhuudda ee ku hareereysan oo ku yaalla tuulada Demetioh ee gobolka Buxeyriya, oo horay uga mid ahaa liiska waxyaabaha qadiimiga ah ee Islaamka iyo Qibdiyiinta ku nool dalka Masar ay leeyihiin isla-markaana go’aanka maxkamadda la gaarsiiyo Hay’adda Waxbarashada, Saayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) lagana hortago dabbaaldegga dhalashada Abu-Xasiira ee ay Yahuudda sanadwalba u dabbaaldegto.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay xukuntay inaan la oggolaan in naxashka ama lafaha Yuhuudda hore ee ku aasan dalka Masar inaan Israa’iil loo wareejinin isla-markaana si dhab ah loo aqoonsado Quddus iney tahay dhul dulmi lagu haysto lagana fogaado dowladda dulmiga caadeysatay ee Israa’iilna in loo aqoonsado dal madax bannaan.

Related posts

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

Xukumada Biixi Oo ka Walaacday Covid 19 Oo kusoo Laba Kacleeyay Somaliland Farii-na Dirtay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy