Heemaal News Network
Caalamka

Yuhuuda Oo Duqaysay Magaalada Gaza

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeymo xoogan ka bilaabay magaalada Gaza gaar ahaan dhowr bartilmaameed oo ku yaal deegaanka waqooyi ee Beytu Laxam.

Duqeyntan ayaa daba socoto mid maalinimadii arbacada ka dhacay isla magaalada Gaza.

Xukuumada Tel Aviv ayaa sheegtay in ay uga jawaab celineyso madaafiic looga soo tuuray magaalo xeebeedka Gaza ee dhulka Falastiin.

Habeen ka hor ayey aheyd markii ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu lagu qasbay in uu ka cararo magaalada Ashdod oo cariga Israel halkaasi oo uu ka waday ololihiisa dib u Dooraashada.

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in ay ka danbeeyeen dagaalyahanada Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More