Heemaal News Network

Yuusuf Daba-geed Oo ku Guulaystay Doorashada Madaxwayne ku Xigeenka Hirshabeele.

Waxaa goordhow soo dhammaatay Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, isagoo helay 87 Cod.

Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa isna helay Codad gaaraya ilaa iyo 12 Cod, isla markaana ma jirin Codad halaabay oo ay dhiibteen Xildhibaanada Maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa shaaciyay natiijada Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana ku guuleystay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maanta Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo helay Codad gaaraya 86 Cod, waxaana uu noqonayaa Madaxweynaha saddexaad ee maamulkaas uu yeeshay.

Related posts

Diiwangelinta Musharixiinta Madaxweynaha Iyo Kuxigeenka Hir-Shabeelle Oo Bilaabatay

Heemaall

Cabdi Xaanshi Oo Farmaajo ku Eedeeyay Inuu Jabiyay Qodobo Sharci.

Heemaall

UEFA Oo Ganaaxday Jose Mourinho Iyo Kooxdiisa Tottenham

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More