Heemaal News Network
somali

Yuusuf Garaad Oo Afduub Ku Tilmaamay Doorashada Somalia

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo haatan ah ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.

Yuusuf Garaad ayaa tusaale cajiib ah ka bixiyey doorashada, isaga ku cabiray erayo kooban oo uu tilmaam uga bixiyey ergada wejiyadooda qarisay iyo ‘boobka’ doorashada socota ee Golaha Shacabka.

“Afduubasho ma aha ee waa afduub. Waa la afduubay ee lama afduuban,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Yuusuf Garaad Cumar.

Qoraalkan ayaa dhaliyey hadal heyn xoogan, waxaana ka falceliyey dad fara badan oo qaarkood su’aallo ka keenay hadalka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa markale fasiraad ka bixiyey qoraalkiisa, isaga oo la wadaagay dadweynaha ku xeran boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“In dan loo afduubtay iyo in duul kale loo afduubay waa sababta afduubka, laakiin falka dhacay waa afduub. Markaa waa la afduubay,” ayuu ku yiri sharaxaaddiisa.

Related posts

M/kuxigeen Saylici Oo Iyo Wasiiro ka Codeeyay Borama.

Heemaall

Madaxwayne Deni Oo Wareegto ku Magacaabay Wasiiro Cusub.(Akhriso)

Heemaall

Musharax la Tartamaya Cabdi Xaashi Oo la soo Saaray Iyo Gudiga Doorashada Doorashada G/Waqooyi Oo..

Heemaall