Heemaal News Network
cayaaraha

Zinedine Zidane Oo Ka Caga Jiidaya In Uu La Wareego Xilka Laga Eryeuy Ole

Manchester United ayaa si aad ah u dardar gelinaysa heshiis ay la gaadho tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane kaas oo ay ka dhigteen dookha koowaad kaddib markii xalay shaqada laga caydhiyey Ole Gunnar Solskjaer.

Red Devils ayaa doonaysay inay hesho tababare ka hor inta aanay shaqada ka eryin Ole Gunnar Solskjaer, hase yeeshee guul-darradii xanuunka badnayd ee Watford ayaa sababtay inay sugi waayaan oo ay si degdeg ah boodhku u go’amiyaan in la caydhiyo.

Dhawr tababare ayaa hore loola xidhiidhinayey Manchester United, waxaana ka mid ahaa Antonio Conte oo ay ka hor qaadatay Tottenham kaddib markii ay Red Devils ka cago-jiidday inay la xaajooto.

Tani waxay keentay inay iskugu soo hadhaan Zinedine Zidane oo la rumaysnaa in aanu xiisaynayn inuu tago horyaalka Premier League, Brendan Rodgers oo Leicester City ah iyo Ten Hag oo Ajax macallin u ah, halka Mauricio Pochettino oo PSG ah uu isaguna soo galay liiska.

Sidaas oo ay tahay, Brendan Rodgers ayaa ka baxay liiska kaddib guul-darrooyinka ku habsaday Leicester City iyadoo Manchester United shaki gelisay awoodda uu u yeelan karayo in isagoo koox kale oo Premier League ah ku dhibaatoonaya uu iyaga ku caawin karayo.

Related posts

Chelsea Oo Ku Kaliyeysatay Kaalinta Afaraad Ee Premier league

Heemaal

Juventus Oo Ku Guuleysatay Coppa Italia

Heemaal

Kooxda Tottenham Oo Eriday Tababare Jose Mourinho

Heemaal