Heemaal News Network
Soomaaliya

Zubayr Al-Muhaajir Oo Sheegay In Hoggaanka Shabaab Aysan ku Dhaqmin Shareecada Islaamka Kana Goostay.

Mid ka mid ah saraakiishii ugu saraysay ajaanibta ku biirtay ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu Alshabaab Uga goostay cadaalad daro baahsan oo uu kala kulmay madaxda ugu saraysa kooxda Alshabaab.

Zubayr Al-Muhaajir ayaa kasoo mid noqday golaha shuurada ee Xarakada Al-Shabaab, waxuuna sheegauy inaysan diin ku dhaqmin madaxda sarsare ee kooxdaasi,isagoo uga digay ajaanibta ku biiraysa ururka Alshabaab.

Zubayr Al-Muhaajir ayaa asal ahan kasoo jeedaa dalka Ivory Coast, waxaana uu ku hadlaa dhowr luuqadood oo ay ka mid yihiin Faransiis, Carabi iyo Ingiriis. Waraysigan uu siiyey VOA waxa uu ku bixinayaa luqadda Soomaaliga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More