Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay in Mareykanku uu bilaabay Wadahadalo uu la yeelanayo Iiraan.
Trump wuxuu sheegay in Iiraan aysan waligeed yeelan doonin wax hub nukliyeer ah, oo ay ogolaatey iney ka tanaasusho barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Trump ayaa sheegay in Iran waxba u ceyman oo difaacii oo dhan waanu ka burburay, sidpp kale iyaga ayaana baahi u badan heshiiska.
Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:-“Hawada Iran Diyaaradeheena ayaa sideey doonaan ka yeelaya JD Vence, kushner, Rubio iyo Witkoff ayaa ku jira wada xaajoodka Iran.”
“Way nagu waafaqeen ineysan Nuclear yeelan waan ka guuleysannay”
Trump oo ka hadlaya Iiran. “Waxay na siiyeen hadiyad weyn oo qiimaheedu yahay lacag aad u badan, Waxay la xidhiidhay saliid iyo gaas, Waxaan la macaamilaynaa dadka saxda ah.”
Ma garan karo sida ay ugu baahanyihiin heshiis,waan arki doonnaa waxa dhaca.