12 diyaaradood dagaal oo ah nooca F-22 oo ka degay Israa’iil

Ugu yaraan 12 diyaaradood oo dagaal oo Mareykan ah nooca F-22 ayaa Talaadadii ka degay saldhig ciidan oo cirka ah oo ku yaalla Israa’iil, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, sida ay sheegtay warbaahinta dadweynaha Israa’iil ee KAN.

KAN ayaa sheegtay: “Laba iyo toban diyaaradood oo Mareykan ah nooca F-22 ayaa galabta ka degay mid ka mid ah saldhigyada Ciidanka Cirka Israa’iil ee koonfurta dalka, taasoo qeyb ka ah joogitaanka iyo daadgureynta ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.”

Waxay intaas ku dartay in diyaaradahaasi ay ka mid yihiin kuwa dagaalka ugu casrisan caalamka, isla markaana uu kaliya leeyahay Mareykanka, ayna qabtaan hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin “inay gudaha u galaan dhulka cadowga isla markaana burburiyaan nidaamyada difaaca cirka iyo qalabka raadaarka.”

Mareykanka ayaa kordhiyay joogitaankiisa militari ee gobolka Gacanka Beershiya iyadoo ay jiraan hanjabaado ka yimid Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ku aaddan tallaabo militari oo ka dhan ah Tehran haddii ay fashilmaan wada-xaajoodyada hadda socda ee la xiriira arrinta nukliyeerka.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan