30 Qof Oo ku Dhimatay Daadad kusoo Fatahay koofurta Itoobiya

by Heemaaln
1 minutes read

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay daadad iyo dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Gamo ee koonfurta dalka Itoobiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Maamulka ayaa sheegay in dadka intooda badan ay ku dhinteen dhulka buuralleyda ah, halkaasi oo daadadka ay sababeen roobab xooggan oo maalmo socday. Saraakiisha ayaa ku boorriyay dadka deggan meelaha nugul in ay ka taxadaraan.

Roobab dabaylo wata ayaa maalmihii la soo dhaafay daadad ka sababay guud ahaan Bariga Afrika. Tobaneeyo qof ayaa sidoo kale ku dhintay dalka deriska la ah ee Kenya.

Saadaasha ayaa sheegaysa in dabeylaha ay aad uga sii xoogeysanayaan gobolka, taasoo qeyb ka ah isbeddelka cimilada.

Barasaabka dawlad deegaanka Koonfurta Itoobiya ayaa tacsi u diray qoysaskii ay waxyeelladu ka soo gaartay. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan dawladda gobolka, waxaan aad uga murugaysanahay 30-ka qof ee ku naf waayey dhul go’ iyo daadad ka dhacay dhulka buuralleyda ah ee Gamo oo ka dhashay roobab mahiigaan ah,” ayuu Tilahun Kebede ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga gelinkii dambe ee Talaadadii.

Saraakiisha ayaa sheegay in masiibadan ay daba socotay roobab joogto ah oo ka da’ay degmooyinka ku xeeran.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.