Amiirka Dowladda Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa maanta khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Hassan Sheikh Mohamud sida ay sheegtay madaxtooyada Qatar.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Amiirka Qatar ayaa dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee dalkiisu la garab taagan yahay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dadaallada lagu sugayo nabadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashiga siyaasadeed iyo kan horumarineed uu door weyn ka qaato xasilloonida iyo kobaca dalka.
Wadahadalkooda ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga mustaqbalka.