54
Ka dib baadi goob dheer Sacuudiga waxaa looga dhowaaqay in aan la arag bishii Soonfur, sidaasi darteed beri 30-ka Soonqaad ayaa la buuxinayaa isha ALLAAH, Maalinta Jimcaha 20-ka March ayaa la Ciidi doonaa.
Itoobiya ayaa hada si ramsi ah ugu dhawaaqday in Jimcaha la ciidayo.
Gollaha Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in bishii Shuwaal aan la arag sidaas darteed maalinta Jimcuhu ay noqon doonto Ciidul Fidri.