Xubno ka tirsan Guddiga fulinta Xisbiga Madaxweynaha Somaliya ee JSP oo Is-casilay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afar xubnood oo ka tirsan guddiga fulinta Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta, 18/03/2026, si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xubinimadooda xisbiga, iyagoo sababta ka dhigtay hab-dhaqanka Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha in uusan ixtiraamin xeerarka xisbiga iyo dastuurka dalka, isla markaana uu wado tallaabooyin kala irdheyn ah oo wax u dhimaya shacabka Soomaaliyeed iyo nidaamka federaalka. Waxay tilmaameen in Madaxweynaha uu weeraro ku hayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana uu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Xubnahaan ayaa kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaana Magacyada xubnaha guddiga fulinta ee iska casilay kamid ah, Xil Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo ah Xoghayaha Xanaanada Xoolaha iyo Waraabka ee JSP, Xasan Cali Maxamed Amardambe oo ah Xoghayaha Qorsheynta iyo Istaraatiijiyadda ee JSP, Xil Alwiya Cabdulaahi oo ahayd Xoghayaha Adeega Caafimaadka ee JSP iyo Xil Mukhtaar Maxamed Mursal (Boorow) oo ahaa Xoghayaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSP

Xubnahan ayaa ku adkeeyay in go’aankooda uu yahay mid looga jawaabayo khilaafaadka siyaasadeed ee Dowladda iyo Koonfur Galbeed, islamarkaana uu ka tarjumayo u hogaansanaanta dastuurka, midnimada qaranka, iyo ilaalinta hannaanka sharciyeysan ee dowladnimada.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.