Iran ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan ammaanka, iyadoo ku amartay dadka ku nool meelaha u dhow xarumaha muhiimka ah ee saliidda ee dalalka Sacudi Carabiya, Qadar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta inay si degdeg ah uga guuraan goobahaas.
Wararka laga helayo warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegaya in IRGC ay si toos ah u dirtay digniintan, taasoo lagu wargelinayo dadka rayidka ah inay ka fogaadaan shan xarumood oo saliid ah oo ku yaalla dalalkaas
Digniintan ayaa timid kadib weerar la sheegay in Israa’iil ay ku fulisay xarunta gaaska South Pars ee Iran taasoo la sheegay in hadda la xakameeyay, iyadoo aan wax khasaare naf ah la diiwaangelin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Fars.
Sikastaba ha noqotee Ruushka iyo Qadar ayaa si adag u cambaareeyey shirqoolka ay Israa|l ku beegsanayso hoggaanka Iiraan — Kremlin.