HNN: Qiimaha shidaalka iyo gaaska caalamka ayaa si degdeg ah u kordhay kadib weerar lagu qaaday goob muhiim ah oo gaaska laga soo saaro oo ku taalla dalka Iran. Weerarkan ayaa si gaar ah u beegsaday goobta caanka ah ee South Pars Gas Field, taas oo ah isha ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah ee dalkaas iyo mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan adduunka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarku sababay dab iyo burbur soo gaaray qaybaha warshadda, taasoo keentay in hakad ku yimaado wax-soo-saarka gaaska. Arrintan ayaa si toos ah u kicisay walaac ku saabsan sahayda tamarta ee caalamka, maadaama gobolka Khaliijka uu yahay meel muhiim u ah bixinta shidaalka iyo gaaska.
Kadib dhacdadan, qiimaha saliidda iyo gaaska ayaa si weyn u kacay suuqyada caalamiga ah. Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in suuqyadu ay si xasaasi ah uga falceliyeen khatarta ku wajahan kaabeyaasha tamarta, gaar ahaan marka la eego in xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Israel ay sii xoogeysanayaan.
Sidoo kale, waxaa jira cabsi ah in weerarro kale lagu qaado xarumaha tamarta ee dalalka kale ee gobolka, taas oo sii xumeyn karta xaaladda. Haddii ay taasi dhacdo, khubaradu waxay saadaalinayaan in qiimaha shidaalka uu sii kici doono, taasoo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha caalamka iyo nolosha dadka.
Goobta South Pars Gas Field ayaa leh muhiimad weyn, maadaama ay bixiso qayb aad u ballaaran oo ka mid ah gaaska Iran isla markaana door weyn ka ciyaarto sahayda tamarta ee dunida. Sidaas darteed, wax kasta oo carqalad ku yimaada goobtan waxay si toos ah u saameynayaan suuqyada caalamka.
Waddama badan ayaa canbaareyey weerarka Israa’iil ku qaaday ceelsha saliida iyaga oo ku tilmaamay qayrul masuulnimo.
Heemaal News Network