HNN: Shirkadda tamarta ee QatarEnergy ayaa xaqiijisay in weerar gantaallo ah lagu qaaday magaalada warshadaha ee Ras Laffan Industrial City, taas oo ah xarunta ugu weyn ee soo saarista gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyo (LNG) dunida.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Iran, iyadoo horey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ay u sheegtay in dab ka kacay goobta kadib “bartilmaameed la beegsaday”.
QatarEnergy ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ah si dhaqso ah loo diray si ay u xakameeyaan dabka ka dhashay weerarka. Inkastoo la sheegay in burbur ballaaran uu soo gaaray qaar ka mid ah kaabeyaasha, haddana shirkaddu waxay caddeysay in dhammaan shaqaalaha la helay oo la tiriyey, isla markaana aan wax khasaare naf ah la diiwaangelin illaa hadda.
Goobta Ras Laffan Industrial City waxay leedahay muhiimad weyn oo caalami ah, maadaama ay tahay halbowlaha ugu weyn ee dhoofinta LNG, gaar ahaan suuqyada Yurub iyo Aasiya. Weerar kasta oo lagu qaado xaruntan wuxuu si toos ah u saameyn karaa sahayda tamarta ee dunida.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Iran iyo Israel, kaas oo hadda u muuqda mid ku fidaya dalal kale oo Khaliijka ah.
Heemaal News Network.