Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay Washington kadib markii ay kordhisay “ciqaabo aargoosi ah” oo ka dhan ah hay’adaha caalamiga ah, ka dib markii maamulka Trump uu cunaqabatayn ku soo rogay laba garsoore oo kale oo ka tirsan Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taas oo la xiriirta baaritaankooda ku saabsan Israa’iil.
Garsoorayaasha cunaqabataynta Mareykanku saameysay Khamiistii — Gocha Lordkipanidze oo u dhashay Georgia iyo Erdenebalsuren Damdin oo u dhashay Mongolia — ayaa horraantii toddobaadkan u codeeyay inay diidaan dacwad ay Israa’iil gudbisay, taas oo lagu doonayay in lagu joojiyo baaritaan ku saabsan dambiyo dagaal oo ka socda Gaza.
Mareykanka ayaa horay cunaqabatayn ugu soo rogay sagaal garsoore iyo dacwad-oogayaal ka tirsan ICC sababo la xiriira baaritaannadooda ku saabsan eedeymaha dambiyada dagaal ee Israa’iil.
“Ku dhawaaqistii shalay ee cunaqabataynta Mareykanka ee ka dhanka ah laba garsoore oo kale oo [ICC] ah … waxay muujinaysaa sii xoojinta tallaabooyinka aargoosiga ah ee ka dhanka ah hay’adaha caalamiga ah,” ayuu yiri xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay isagoo qoraal ku daabacay X.
“Bartilmaameedsiga noocan ah ee garsoorayaasha, iyo sidoo kale dacwad-oogayaasha iyo khubarada Qaramada Midoobay, wuxuu ka hor imaanayaa ku dhaqanka sharciga iyo maamulka caddaaladda.”
