Toddobaad ka dib , markii Israa’iil ay burburisay xarunta dhaqanka ee Ruushka uu ku lahaa koonfurta Lubnaan oo ay xigtay weerar ka dhacay deked muhiim u ah Ruushka oo gudaha Iiraan ku taal, halkaa oo ay beegsatay Israa’iil, waxaa xigay dhacdo kale oo hadal heyn dhalisay, waa markii shalay ay Israa’iil gantaal ku dhufatay goob ay ku sugnaayeen weriyayaal u dhashay Ruushka oo ka howlgalayay telefishinka dawladda Ruushka ee RT, xilli ay ku sugnaayeen koonfurta Lubnaan.
Safaaradda Ruushka ee ku taal Lubnaan oo dhacdadaan ka hadashay, waxay sheegtay in ay aad u adag tahay in dhacdadaas loo arko mid si kadis ah u dhacday.
Wasiirka warfaafinta Lubnaan ayaa la hadlay weriyaha RT, isagoo weydiiyay haddii uu u maleynayo in weerarku ahaa mid si ula kac ah loo fuliyay.
Weriyaha Steve Sweeney ayaa ku jawaabay: “Dabcan waa mid ula kac ah. Tani waa Israa’iil… miyaadan arkin waxa ka socda Qasa?”
Waxaa la sheegay in weriyaha iyo muuqaal duubihiisa ay soo gaareen dhaawacyo fudud, kadib markii duqeyn Israa’iil si toos ah ugu dhacday goobtii ay warbixinta ka sameynayeen.
Dhacdooyinkan waxay imanayaan xilli Israa’iil ay sii xoojineyso xiriirka ay la leedahay Ukraine. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay ; “Israa’iil waxay haysataa waxa Ukraine u baahan tahay… Ukraine-na waxay haysataa waxa Israa’iil u baahan tahay,”taasoo muujin karta in labada dhinac ay ka wada shaqeyn karaan arrimo ay ka mid yihiin sirdoonka,tiknoolajiyada dagaal, hub iyo iskaashi militari.