Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka Oo War cusub kasoo Saaray Saliida Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka, Chris Wright, ayaa sheegay in jimcaha maanta laga qaadayo cunaqabateynta saaran saliidda Iiraan ee ku go’doonsan maraakiibta ay u oggolaan doonto sahaydan inay gaarto qaaradda Aasiya muddo saddex ilaa afar maalmood gudahood ah, sida ay werisay wakaaladda Reuters.”

Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa isna ku dhawaaqay Khamiistii in Mareykanku uu dhowaan qaadi karo cunaqabateynta saaran saliidda Iiraan ee ku xayiran maraakiibta badda dhexdeeda ah, iyadoo Washington ay doonayso inay xakamayso kor u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xirnaanshaha marinka Hormuz oo ay Iiraan xirtay.”

Wright ayaa wareysi uu siiyay Fox Business Network ku yiri: ‘Maalmo gudahood, saddex ama afar maalmood, saliiddaas waxay bilaabi doontaa inay gaarto dekedaha.’

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.