Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa Khamiistii sheegtay in aysan jirin dal hadda ka fakiraya howlgal militari oo lagu jebinayo xannibaadda ay Iiraan ku hayso marin-biyoodka Hormuz.
Meloni waxay beenisay fasiraado ay ku tilmaantay kuwo la buunbuuniyay oo laga bixiyay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen dalal ay ka mid yihiin Italy, UK, France, Germany, Netherlands iyo Japan, kaas oo lagu shaaciyay xarunta Downing Street.
Waxay caddeysay in bayaankaasi uusan ku salaysnayn adeegsiga awood militari, isla markaana dalalka Midowga Yurub aysan qeyb ka ahayn colaadda, balse ay doorbidayaan wadahadal iyo dejinta xiisadda.