15
Alle ha u naxariistee, hal qof ayaa ku dhintay badda Berbera ka dib markii ay liqday badda.
Sidoo kale hal qof oo kale ayaa laga soo badbaadiyey oo haatan lagu daweynayo Cisbitaalka Berbera. Lama xaqiijin weli halka uu ka yimid marxuumka geeriyooday, waxaana la sheegay inuu ahaa wiil da’yar..
Sikastaba ha noqotee Xeebaha magaalada Berbera ayaa loo dalxiis tagaa maalmaha ciidaha iyadoo ay inta badan ay ku dhintaan dad dalxiisayaal ah oo ka tagay magaalooyinka Somaliland.