Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim:-Sarkaal sare oo Iiraan ah ayaa sheegay , isagoo ka falcelinaya hadalkii ka soo baxay Trump oo sheegay in dagaalka wadahadal lagu joojinayo uu socdo.
Safaaradda Iiraan ee ku taal Kabul , ayaa iyadoo ka falcelisay hadalka Trump, waxay dhankeeda baahisay in hadalkan uu ka soo baxay Trump, kadib digniin adag oo ay Iiraan soo saartay.
Israa|L ayaa hakinaysa weerarrada Iiraan ka dib soojeedinta Trump, sida ay werisey Reuters.
Iiraan ayaa sidoo kale joojintan ku sifaysay; mid hoos loogu dhigayo qiimaha shidaalka oo ku qaaliyobow Mareykan & diyaar-garow millateri oo kale.
Israa’iil ayaa duqeymo ka fulisay magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan, saacado ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay inay socdaan wada-hadallo lagu joojinayo dagaalka, wallow ay Iiraan beenisay wax wada-hadal ah inuu socdo.
La-taliyaha-sare ee Madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargaash: “Dowladaha Carabtu waxay garab & gaashaan u ahaayeen dhammaan adduunka xilligii barwaaqada & nabadda…. maanta oo xaaladdu adag tahay xaggee ka baxeen dowladihii & dadkii garabka aan u ahayn?” — AlCarabiyaTV ayuu u warramay.
Qiimaha shidaalka ayaa si deg deg leh 10% hoos ugu dhacay , ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu socdo wada-hadal wax ku ool ah oo dagaalka Iiraan lagu joojinayo, isla markaana uu ka laabtay go’aankii lagu weerarri lahaa xarumaha shidaalka iyo tamarta Iiraan, sida uu hadda baahiyay CNN.