Wakaaladda wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, ayaa maanta baahisay hadalka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un oo yiri;
“Kuuriyada Koonfureed waa dal cadow ah, wax kasta oo naga xanaajiya ama nagu soo xadgudba waxaa loogu jawaabi doonaa si adag. Dunidan ay sharafka iyo xuquuqda dalalka madax-bannaan lagu tumanayo iyadoo la adeegsanayo xoog, dammaanadda kaliya ee runta ah waa awoodda nukliyeerka.”
Wuxuu intaa ku daray;
“Sidaas darteed, waxaan sii wadi doonnaa inaan si joogto ah u xoojino awooddeena nukliyeerka, si aan isu difaacno.Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in xaaladda Kuuriyada Waqooyi oo ah quwad nukliyeer ah ay tahay mid aan dib loo celin karin.”