Taliyihii hore ee ciidamada Iiraan Oo loo Magacaabay Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyihii hore ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan, Mohammad Bagher Zolghadr, ayaa loo magacaabay xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan,wuxuu beddelayaa Cali Larijani, oo lagu dilay weerar toddobaadkii hore ka dhacay Tehran.

Magacaabistan, waxay muujinaysa sida ciidanka ilaalada kacaanka ay ula wareegayaan awoodda amni iyo go’aamadooda, xilli horey loo sheegay isla Ilaalada kacaanka inay ahaayeen cidda ka dambeysay in hoggaamiyaha sare loo magacaabo Mojtaba Khamenei.

Wuxuu kamid ahaa taliyayaashii ugu sarreeyay ee dagaalkii Ciraaq iyo !ran hoggaaminayay. Xiligaas wuxuu hindisay unug gaar ah oo la sheego in ay sabab u ahayd yagleelida xulufafa saameynta dibadda ee !iran- Ururada dalalka kale ka taagera.

Wuxuu soo noqday kuxigeenka guud ee ciidanka ilaalada !ran. Hoggaanka ciidankas wuxuu ku jiray 20 sanno ka badan. Dhanka darrajada muddo 8 sanno ah(1989 ilaa 1997) ayuu hayay xilka 3aad ee Ciidanka ugu sarreeyay- Unugta isku dhafka oo ah mid muhiim ah. Mudadii u dhaxaysay 1997 ilaa 2005, wuxuu hayay booska labaad ee ugu sarreeyay.

Intaas keddib boosas badan oo kuxigenka wasaaradda Arrimaha gudaha ay kamid tahay ayuu soo qabtay. Siddaas ayuu golaha amniga uga mid ahaa, kana qayb qaadan jiray ka hortaga shaqaaqoyinka iyo kacdoonada dibadda laga soo abaabulo. Boosas kala duwan oo Latalin ah ayuu intaas keddib soo maray.

Kii baxaba ku aan ka dhicin baa badalaya. Waxaa muuqanaysa ay jiraan jilbo- culus badan oo Iran sii diyaarsatay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.