Israa’iil Oo soo Dhaweeyay Go’aanka ay Maanta Dawlada Lubnaan ku Eriday Safiirka Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maanta dawladda Lubnaan ku shaacisay in dalkeeda ay ka saarayso safiirka Iiraan, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sax ah oo lagama maarmaan ah.

Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in safiirka Iiraan uu yahay qof aan la rabin (persona non grata), waxayna siisay waqti ilaa Axadda si uu dalka uga baxo.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Lubnaan ay ku eedeysay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan inay si toos ah u maamulaan howlgallada Xisbullah, isla markaana ay dalka Lubnaan u rogeen goob uu ka socdo dagaal u dhexeeya iyaga iyo Israa’iil.
HNN

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.