“Maraykanku Maaha Xulafo la Isku Haleyn-karin.”Taliyaha guud ee Ciidanka Faransiiska,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha guud ee ciidanka Faransiiska, Fabien Mandon ayaa Mareykanka ku tilmaamay xulafo aan la isku haleyn karin, oo aan sidoo kale la saadaalin karin, isagoo ku dhaleeceeyay in Mareykanku uusan ku wargelin xulafadiisa Yurub markii uu go’aansaday inuu ku lug yeesho duullaanka ka dhanka Iiraan.

Hadalladan waxaa loo fahmi karaa fariin toos ah oo loo dirayo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, oo toddobaadkan booqasho ku tagaya Faransiiska, si uu isugu dayo inuu xulafada Yurub ku qanciyo dagaalka socda.

Waxaa xaqiiqo ah, Yurub si buuxda ugama soo horjeedo dagaalka, balse waxa ay ka cabanaysaa sida uu ku bilowday iyada oo aan wax wada-tashi ah la samayn.

Si kale haddii loo dhigo, Yurub waxay hadda ku jirtaa marxalad ay si taxaddar leh u qiimeyneyso laba arrimood: khasaaraha ka iman kara haddii aysan ka qayb qaadan dagaalka, iyo khatarta ka dhalan karta haddii ay si toos ah ugu lug yeeshaan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.