Baxrayn Oo Caawa Sheegtay Inay la Kumeen Weerarradii Ugu Xumaa.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Baxrayn waxay la kulantay mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa ee dagaalkan ilaa hadda, kadib markii gantaal Iiraani ah uu ku dhuftay saldhig milatari oo ku yaalla galbeedka jasiiradda.

Baxrayn ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigga Hamala uu ku dhintay qandaraasle milatari oo u shaqaynayay Imaaraadka Carabta ,muwaadin u dhashay Marooko, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan toban qof, afar ka mid ahna ay xaaladdoodu aad u liidato.

Dhammaan dadka dhaawacmay waa askar u dhashay Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta.

Sarkaal sare oo ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa sheegay in weerarkani uu yahay “ mis xaaladda uga sii daraya”.

Baxrayn waxay hoy u tahay ciidanka badda ee Maraykanka, gaar ahaan cutubka 5aad, balse saldhiggaas waa laga daadgureeyay ciidamada maalmo ka hor intii aanu dagaalku bilaaban, iyadoo maraakiibta laga saaray dekedda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.