Macron oo toos ula hadlay Israa’iil “qabsashada dhul ama gumeysi nooc kasta ma damaanad qaado amin”

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka digay in “qabsasho” (occupation) aysan waligeed keenin amni, isagoo hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka qeyb galay wasiirka dhaqanka ee Lubnaan.

Macron wuxuu si cad u sheegay in qabsashada dhul ama gumeysi nooc kasta ah aysan dammaanad qaadi karin amniga cidna, hadal si weyn loogu fasirtay inuu si toos ah ugu jeedo Israa’iil . Wuxuu sheegay in fikradda ah in amni lagu heli karo weerar ama duullaan lagu qaado dal kale ay tahay mid khaldan, isla markaana loo baahan yahay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

Wuxuu hadalkan jeediyay isagoo garab taagan wasiirka dhaqanka Lubnaan, Ghassan Salame, xilli uu furayay bandhig ka dhacay magaalada Paris. Munaasabaddan ayaa ahayd mid dhaqameed, balse hadallada Macron waxay si toos ah ula xiriireen xaaladda dagaal ee ka taagan Bariga Dhexe.

Digniintiisa waxay timid iyadoo Israa’iil ay weerarro ka waddo Lubnaan, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah iyo ciidamo dhulka ah oo galay koonfurta dalkaas. Weeraradan ayaa la sheegay inay sababeen dhimasho badan iyo burbur weyn .

Macron wuxuu ku baaqay in xal lagu gaaro wadahadal iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah, isagoo muujiyay in xoog iyo qabsasho aysan xal waara u noqon karin colaadaha ka socda gobolka.

Heemaal News Network.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.