Iran oo Diiday Shuruudaha Trump si Dagaalka loo joojiyo

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa si cad u muujiyay in dalkiisu uusan ku qanacsanayn qodobbo uu Mareykanku soo jeediyay oo la xiriira dadaallada lagu joojinayo dagaalka socda. Wareysi uu siiyay telefishinka dowladda Iiraan ee Press TV, ayuu ku sheegay in Tehran ay dib u eegis ku sameysay soo jeedimahaas, balse ay u aragto kuwo aan la aqbali karin, taasoo muujinaysa kala fogaanshaha weyn ee u dhexeeya labada dhinac.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in Iiraan ay si rasmi ah ula wadaagtay dhexdhexaadiyeyaasha mowqifkeeda, isagoo xusay in dalkaasi uusan ka laaban doonin difaaca uu isku hayo. Wuxuu caddeeyay in weerarrada ay Iiraan waddo ay yihiin kuwo is-difaac ah, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga fulinayo shuruudaha ay Tehran u aragto kuwo muhiim u ah joojinta colaadda.

Intaa waxaa dheer, sarkaalku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shuruudda ugu horreysa ee lagu gaari karo xabbad-joojin ay tahay in la joojiyo dhammaan weerarrada iyo dilalka ka dhanka ah Iiraan. Wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo nabadeed ay ku xiran tahay xaqiijinta badbaadada iyo amniga dalkaasi, taasoo uu ku tilmaamay lama huraan aan laga gorgortami karin.

Ugu dambeyntii, Iiraan ayaa si adag u diiday in Mareykanka, gaar ahaan madaxweyne Donald Trump, uu go’aamiyo waqtiga uu dagaalku dhammaanayo. Hadalkan ayaa muujinaya in Tehran ay dooneyso inay si madax-bannaan u maamusho go’aamada la xiriira dagaalka iyo nabadda, iyadoo aan oggolaan doonin wax cadaadis dibadeed ah oo saameeya masiirka siyaasadeed iyo amni ee dalkaasi.

Shuruudaha Mareykanku soo bandhigay waxaa ka mid ah

In la burburiyo awoodaha nukliyeer ee ay Iiraan hadda leedahay

In laga mamnuuco Iiraan inay horumariso ama ku hodmiso wax nukliyeer ah gudaha dhulkeeda.

In Yuraaniyamta la hodmiyay lagu wareejiyo Hay’adda Tamarta Nukliyeerka (IAEA)

In la xiro lana burburiyo xarumaha nukliyeerka ee Natanz, Isfahan iyo Fordow

In IAEA loo oggolaado inay si buuxda u hesho dhammaan xogta

In Iiraan ka joojiso taageerrada ay siiso kooxaha ku sugan bariga dhexe.

In la joojiyo maalgelinta iyo hubeynta kooxaha ay taageerto Iiraan ee gobolka

In marinka Hormuz uu ahaado mid furan oo aan la xirin

In dib loo dhigo go’aanka ku saabsan gantaallada ballistic-ka (tan oo la macna ah wada-hadalada laguma soo darayo qodob la xiriira awoodda gantaallada Iiraan).

In gantaalladaas loo isticmaalo oo keliya difaac

In la qaado dhammaan cunaqabateynta horey loo saaray Iiraan

In la taageero barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo ka socda xarunta Bushehr

In la joojiyo hanjabaadda ah in si toos ah mar kale cunaqabateyn loogu soo rogayo Iiraan

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.