Booliska Israa’iil Oo Sheegay In Gantaal Xisbulaah soo Tuurtay Uu ku Dhacay Xaafada ku Taalla Magaalada Kiryat Shmona

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in gantaal nooca cluster ah uu ku dhacay xaafad ku taalla magaalada Kiryat Shmona ee waqooyiga Israa’iil.

Booliska ayaa sheegay, in gantaalkan laga soo tuuray dhanka Lubnaan, iyadoo ciidamada ammaanka ay hadda baadhayaan goobta si loo hubiyo inaysan jirin walxo qarxa oo aan weli qarxin.

Dhacdadan ayaa imaanaysa kadib markii kooxda Hezbollah ay sheegatay inay weerarro ku qaaday meelo kala duwan oo Israa’iil ah, oo ay ku jirto Kiryat Shmona.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.