Turkiga Oo War ka soo Saaray Qarax lala Beegsaday Mid ka mid ah Maraakiibtiisa

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay fiidnimadii 26-ka Maarso ku sheegtay: “Waxaan si weyn uga walaacsanahay weerarka ka dhacay Black Sea.”

Afhayeenka wasaaradda Öncü Keçeli ayaa xaqiijiyay in 27 shaqaale Turki ah oo saarnaa markabka “ALTURA,” oo wata calanka Sierra Leone isla markaana ay maamusho shirkad Turki ah, ay caafimaad qabaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in “baaritaannada lagama maarmaanka ah iyo faragelinnada farsamo ee la xiriira weerarka ay fuliyeen hay’adaha ay khusayso

Qarax ayaa ka dhacay markab sidday saliid ceeriin oo ku dhow xeebta Bosphorus.

Wareysi uu siiyey 24 TV, Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, Abdulkadir Uraloğlu, ayaa sheegay in ay heleen war ku saabsan qarax ka dhacay qolkii matoorka ee markab ku dhow xeebta Istanbul kadib saqdhexe, isla markaana markabku uu wargeliyey xarunta gurmadka iyo badbaadada degdega ah.

Uraloğlu wuxuu sheegay in cutubyada ammaanka xeebaha iyo ilaalo-badeedka loo diray si ay markabka uga taageeraan, in 27-ka xubnood ee shaqaalaha markabka ay ahaayeen Turki, isla markaana dhammaantood caafimaad qabaan.

“Waxaan u maleyneynaa in si gaar ah qolkii matoorku loo bartilmaameedsaday,” ayuu yiri wasiirka gaadiidka, isagoo intaa ku daray in ay u maleynayaan in weerarka uu ah bambaano badda gudaheeda ku jirtay oo meel fog laga hagayay.

Sida ku cad warbixin ay daabacday wakaaladda wararka Reuters, oo ay xigatay NTV, magaca markabka lagu bartilmaameedsaday xeebta Istanbul waa Altura.

Warbixinta ayaa sheegtay in markab sidday qiyaastii 1 milyan oo foosto oo shidaal ceyrriin ah lagu weeraray diyaarad ah nooca meelah fog laga hago meel u dhaw badda Madoow, 15 mayl u jirta xeebta Bosphorus. Waxaa la soo sheegay in markabka ay waxyeelo ka soo gaartay sagxadda iyo qolkii matoorka.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay in buundada markabka ay waxyeelo gaartay, isla markaana markabku uu biyaha ka qaadanayay qolkii matoorka.

Sida ku cad warka Reuters, maraakiib gurmad degdeg ah ayaa loo diray goobta kadib markii markabka Altura, oo calanka Sierra Leone watay, uu codsaday caawimaad.

Sida ku cad vesselfinder.com, oo ah website-ka raadraaca dhaqdhaqaaqa maraakiibta, markabku ugu dambeyn wuxuu ku xirnaa dekedda Ruushka ee Novorossiysk.

Sida ku warbixisay Reuters, markabka la weeraray, Altura, waxaa ku jira liiska cunaqabateynta ee Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Ma acadda ilaa iyo imika cidda beegsatay markabkaasi iyo sababta.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.