Taliyaha Ciidanka ISRL Iyo Masuuliyiin kale Oo ka Qayliyay Bur-bur soo Food-saaray Ciidanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta Kan, ee Afka Dowladda ISRL ku hadasha ayaa sheegtay in taliyaha guud ee Cidamada ISRL, uu ka digay burbur soo foodsari kara ciidankooda.

Eyal, Taliyaha ciidanka ISR ayaa xili uu shir amni ka hadlayay yidhi: “Hawlgaladu way sii kordhayaan. Koonfurta Lubnaan hawlgalo ayaa soo biiray, kala badh marinka Q*sa way ka jiraan, hadana meelo cusub ayaa soo kordhay, siddaas oo ay tahay hadana tirada ciidanku ma kordhayso ee hoosbay u sii dhacaysaa. Waxaan u baahanahay ciidan horleh. Ciiddanku wuu bur-buri si iskii ah, hadii aan xal iman.”

Intaas keddib Yair, oo kamid ah mucaaradka ayaa sheegay in Dowladda ISRL, iska indho-tirayso burbur soo food leh. “Iyagaa masuuliyada qaadi doona, hadhaw maanan ogeyn ma dhihi karaan.” Ayuu yidhi.

Raysal wasaarihii horee ISRL, Bennet oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Taliyu wuxuu ka qaylinayaa wixii aan laba sanno ka hadlaynay. Ciidan ku filan oo ina difaaca ma jiro. Maxaad sugaysaan?.”

Xafiiska arrimaha dibadda ISRL, oo ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in hadaladan hub u noqonayaan caddawgeena, iyagoo xusay in xogta dagaalka ay ku jiraan bannaanka la keenno ayay masuuliyad darro ku sifeeyen.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.