Uganda oo Xabsiga dhigtay Saraakiil AUSSOM ah oo loo Haysto Diyaarad ku burburtay Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Uganda ayaa dacwad ku soo oogtay islamarkaana xabsiga dhigtay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), kuwaas oo lagu eedeeyay mas’uuliyadda khasaaraha diyaarad ciidan oo ku burburtay Soomaaliya.

Saraakiisha la soo eedeeyay ayaa kala ah Korneyl George Buga Andruca, oo hore u ahaa taliyaha cutubka duulista ee UPDF ee ka howlgalayay Soomaaliya, iyo Major Benjamin Kashumbusha, oo isna ahaa sarkaal howlgallo ka fulin jiray isla cutubkaasi. Waxaa sidoo kale dacwadda lala xiriiriyay Lieutenant Henry Gygenda, oo ahaa injineer ka tirsan cutubka duulista.

Saddexdan sarkaal ayaa ka soo hor muuqday guddi ka kooban saddex garsoore oo uu hoggaaminayay Korneyl Frederick Kangwamu, iyadoo lagu soo oogay hal dambi oo la xiriira falal khaldan oo sababay khasaaraha diyaaradda.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay, kuwaas oo ka hor imaanaya qodob ka mid ah sharciga ciidamada Uganda, kaas oo dhigaya in qof kasta oo si ula kac ah ama dayacaad ku jirto u geysta khasaaro diyaaradeed uu mutaysan karo ciqaab adag.

Xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda u sheegtay in baaritaannada weli socdaan, taasoo keentay in kiiska dib loo dhigo. Maxkamaddu waxay amartay in eedeysanayaasha lagu sii hayo xabsi ilaa 4-ta Abriil 2026, markaas oo mar kale la hor keeni doono.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacooday in saraakiishan ay ku lug lahaayeen hawlgal si dayacaad ah loo fuliyay bishii Sebteembar 2024, kaas oo sababay in diyaarad ay lahayd ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ay burburto, isla markaana gebi ahaanba lunto.

Diyaaradaha milateriga Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara qaadista ciidamo iyo sahay, gaar ahaan meelaha halista ah ee ay ka jiraan qaraxyada waddooyinka lagu aaso.

Si kastaba, ciidamada Uganda ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya shilal diyaaradeed oo soo noqnoqday, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.