Heemaal News Network

Akhriso War-murtiyeedka Laga soo Saray Shirka Mucaaradka Kismaayo Uga Socday.

Shirweynaha Aayo-Katashiga Soomaaliyeed oo ka dhacay Kismaayo (18–20 Diseembar 2025) ayaa diiradda saaray xaaladda siyaasadeed, amniga, iyo hannaanka dastuuriga ah ee dalka. Shirku wuxuu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyay ku xadgudub Dastuurka, dib-u-dhacyo doorasho, faragelin hay’ado madaxbannaan, iyo fashil dhanka amniga (gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish).

Shirweynuhu wuxuu ku baaqay:

-In la ilaaliyo Dastuurka KMG (2012) iyo madax-bannaanida hay’adaha.

-In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, lagana fogaado muddo-kororsi.

-In la helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, gaar ahaan Banaadir.

-In la xoojiyo amniga, midnimada qaranka, iyo xuquuqda aadanaha.

-In la joojiyo wax kasta oo horseedi kara qalalaase siyaasadeed iyo amni.

Ugu dambayn, Shirweynuhu wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka, culimada, ganacsatada, jaaliyadaha, iyo beesha caalamka in ay iska kaashadaan badbaadinta dalka, hirgelinta doorasho loo dhan yahay, iyo ilaalinta midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.