Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay markab labaad oo shidaal ah oo ku sugnaa xeebaha Venezuela, isagoo fulinaya “xannibaad” uu amray Madaxweyne Donald Trump, taas oo caro ka dhalisay Caracas, halkaas oo mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabadaas “xatooyo iyo afduub.”
Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka, Kristi Noem, ayaa xaqiijisay qabashada markabka Sabtidii, iyadoo ku qortay barta X in ilaalada xeebaha ay qabteen markabka iyagoo kaashanaya Wasaaradda Difaaca (Pentagon).
“Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa dabagalka dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah ee shidaalka la saaray cunaqabataynta, kaas oo loo adeegsado maalgelinta argagixisada daroogada ee gobolka,” ayay qortay.
“Waan idin heli doonnaa, waanan idin joojin doonnaa,” ayay ku dartay.
Qoraalka waxaa la socday muuqaal ku dhow siddeed daqiiqo oo laga duubay hawada, kaas oo muujinayay helikobtar dul heehaabaya sagxadda markab shidaal oo weyn oo badda ku jira.
Howlgalkan oo dhacay waaberigii hore ayaa ahaa markii labaad toddobaadyadii u dambeeyay ee Maraykanku uu bartilmaameedsado markab shidaal oo u dhow Venezuela, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli Maraykanku uu si weyn u kordhiyay joogitaankiisa militari ee gobolka. Trump, oo maamulkiisu sii xoojinayo cadaadiska lagu saarayo Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, ayaa Talaadadii amray “xannibaad buuxda oo dhammaystiran” oo lagu soo rogay dhammaan maraakiibta shidaalka ee la saaray cunaqabataynta ee soo galaya kana baxaya dalka Koonfur Ameerika.
‘Fal burcad-badeednimo caalami ah’
Dowladda Venezuela ayaa ku tilmaantay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Maraykanka “fal halis ah oo burcad-badeednimo caalami ah.”
Madaxweyne ku xigeenka Delcy Rodriguez ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Venezuela ay “cambaaraynayso oo ay diidayso xatooyada iyo afduubka markab gaar loo leeyahay oo cusub oo qaadaya shidaal, iyo sidoo kale afduubka khasabka ah ee shaqaalihiisa, kuwaas oo ay fuliyeen ciidamada milatariga ee Maraykanka iyagoo jooga biyaha caalamiga ah.”
“Falalkan ma noqon doonaan kuwo aan ciqaab lahayn,” ayay ballanqaadday, iyadoo intaas ku dartay in Venezuela ay qaadi doonto “dhammaan tallaabooyinka ku habboon, oo ay ku jirto gudbinta cabasho loo diro Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ururrada kale ee caalamiga ah, iyo dowladaha dunida.”
