Mareykanka ayaa ka fiirsanaya inuu cunqabateyn saaro Spain , sabab la xiriirta go’aankii Spain ay ku diiday inay dekadaheeda ku soo xirtaan maraakiibta ku socda Israa’iil oo ay ku jiraan kuwa u sida hubka, sida uu baahiyay telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Kanaal 12.
Spain waxay ka mid ahayd dalalkii u horreyay ee ka mamnuucay dekedahooda hubka lagu weerarrayo Qasa in maraakiibta sida ay ku soo xirtaan, sidoo kale Spain ayaa ahayd dal si weyn gudaha Midowga Yurub ugu ololeeyay in la aqoonsado dawladda Falastiin , illaa safaarad rasmi ah ay Falastiiniyiinta ku yeesheen Madrid.

