Heemaal News Network

Booliska oo Baaraya Toogasho Dad lagu Laayey Oo ka Dhacday Johanesburg

Dalka Koofur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg waxaa ka dhacday toogasho wadareed lagu dilay ugu yaraan 9 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 10 ruux sida ay ku warrameen saraakiil katirsan hay’adaha ammaanka Dalkaas.

Koox aan la aqoonsan ayaa weerartay Goob Maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen inta badan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, waxana uu Booliisku tilmaamay in Kooxdaas ay wadatay Gaari lagu daba joogo sida hadalka loo dhigay.

Weli lama shaacin Magacyada Dadka dhintay, kuwa dhaawaca ah, Inta Ragga ah, haddii ay Haween ku jiraan, sababta loo beegsaday Goobta Maqaaxida ah, Haddii ay ku jiraan Ajaanib iyo su’aalo kale oo dadku is weydiinayaan.

Kooxaha Qaranka ee dabagalka dambiyada ayaa ku raad-jooga dabagalka xogta Gawaarida ay wateen xubnaha ilaa haatan aan la aqoonsan ee weerarkaan fuliyay isla markaana sababay dhimashada iyo dhaawaca badan.

Waxaa dib loo raacayaa Kaamirooyinka ku xiran waddooyinka iyo xaafadaha si loo helo halkii Gawaarida weerarka lagu fuliyay kasoo baxeen, sidoo kale waxaa la baarayaa rasaasta dadka qaar jirkooda gashay sida warbixinnadu sheegayaan.