Heemaal News Network

Ugandha oo Taliye Cusub u soo Magacowday Ciidanka ka jooga Somalia

Taliyaha cusub ee Ciidanka Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya kana tirsan Howlgalka AUSSOM, Jeneraal Kayanja Muhanga, ayaa saacadihii la soo dhaafay xilka kala wareegay taliyihii hore Joseph Musoke Ssemwanga.

Taliyhii hore ayaa looga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socday gobolka Shabeellada Hoose, kaasi oo ay taageerayeen ciidanka xoogga dalka.

Qoraal ka soo baxay Taliska AUSSOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Taliyaha cusub lagula dardaarmay xoojinta dagaalka AS iyo sidii loo xaqiijin lahaa Amniga magaalada Muqdisho.

Ciidanka Uganda ayaa leh tirada ugu badan ee askarta ka tirsan howlgalka AUSSOM, iyagoo ka howlgalla gobollada ku dhow caasimadda Muqdisho.