Furuqu waa cudur fayras oo daran oo uu sababo fayraska variola. Cudurka furuqa waxa laga tirtiray adduunka dabayaaqadii 1970-yadii. Hase yeeshee, sababta oo ah ammaanka fayraska oo aan la hubin, waxa jirta halis fog oo ah in furuqa loo isticmaalo karo hub ahaan.
Tallaalka furuqa caadiga ah waxa Maraykanka laga joojiyay 1972, sababta oo ah halista la xidhiidha tallaalka ayaa ka weynayd halista cudurka oo qofka ku dhaca.
Hase yeeshee, sannadkii 2003, qaar ka tirsan ciidanka, shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka ayaa laga tallaalay furuqa iyada oo taasi qayb ka ahayd u diyaarsanaanta argagaxiso biyoolooji.
Furuqa si aad u weyn ayaa loo kala qaadaa waxana uu fidaa marka dhibco ah candhuufta qofka jirran ay gaadhaan qofka kale. Soo gaadhistu waxay ku iman kartaa xidhiidh ah fool-ka-fool, hawada oo uu ku fido (quficid ama hindhisid) ama iyada toos loo taabto walxo ku wasakheysan cudurka.
Dadka qaba furuqa waxay ugu cudur qaadsiin badan yihiin inta lagu jiro todobaadka koowaad ee cudurka taasoo ah marka qadarka ugu badan ee fayras ah uu ku jiro candhuufta. Hase yeeshee, xoogaa ah halis gudbin ayaa jirta ilaa dhammaan qoloftu dhacdo.
Mudada qarsoonida cudurku waxay tahay qiyaastii todobada ilaa 17 maalmood ka dib soo-gaadhista. Astaamaha bilawga ah waxa ka mid ah qandho sare, daal, madax-xanuun iyo dhabar-xanuun. Finan waaweyn oo wajiga ka muuqda, cududaha iyo lugaha ayaa ku xiga laba ilaa saddex maalmood.
Finanku waxay ku bilaabmaan nabaro cascas oo isku wakhti is beddela. Nabarada waxa gala malax waxana ay bilaabaan inay qolof yeeshaan maalmaha hore ee todobaadka labaad. Qolof ayaa sameysanta, ka dibna way fuqdaa oo dhacdaa ka dib qiyaastii saddex ilaa afar todobaad.
Badi bukaanka qaba furuqa way ka bogsadaan, laakiin dhimasho ayaa ku dhacda tiro ah boqolkiiba 30.
Tallaabooyinka ka-hortagga Haddii aad leedahay astaamo, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogal ah ula tasho bixiye daryeel caafimaad. Ma jiro wax marag ah u soo korodhay oo ah dilaacis furuq ama weerar argagixiso biyoolooji oo isticmaalaysa furuq, laakiin Maraykanku waxa uu haystaa kayd ah tallaalka furuqa. Tallaalka hadda ma heli karaan dadweynuhu sababta oo ah waxa ka iman kara waxyeelooyin daran.
Daweynta furuqa
Ma jirto dawo la xaqiijiyay oo loo hayo furuqa, laakiin cilmi-baadhis lagu qiimeynayo walxo lid ku ah fayraska ayaa socota. Bukaanka qaba furuq waxay ka faa’iideysan karaan cilaaj ah taageero, sida hooreyaal xidid dhiig laga qaato iyo dawooyin lagu xakameeyo qandhada ama xanuunka, iyo antibiyootiko loogu talogalay wixii ah caabuq bakteeriyo keento oo daba socda furuqa.
Haddii qofka la siiyo tallaalka gudaha afar maalmood ka dib soo-gaadhista furuqa, waxa laga yaabaa inuu yareeyo darnaanta ama suurtogal ahaan ka hortago cudurka.
Tallaalka lagaga hortago furuqa waxa ku jira fayras nool oo la yidhaahdo vaccinia, kuma jiro fayraska furuqa.
