Heemaal News Network

Somaliland Oo ka Hadashay Muranka Hawada ee kala Dhexeeya Somalia

Somaliland ayaa sheegtay in arrinka la xiriira maamulka hawada ee muranku ka dhashay uusan wali ahayn mid la xalliyay wadooyin sharci ah u marayaan si ay “ugu daba tagaan”.

Wasiirka duulista iyo garoomada Somaliland ayaa sheegay in murankii hawada ee kala dhexeeyay Soomaaliya iyo sidoo kale arrinta E-Visa aan labadoodaba wali xal laga gaarin.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay si khaldan uga faa’iideysanayso heshiiskii 2012 – dood ay muddaba qabtay Somaliland, balse Soomaaliya ay diidan tahay.

”Nasiib daro, heshiiskii ay wadagaleen xukuumadii Somaliland 2012 iyo maamulka Muqdisho ka jiray ayaa qolada Soomaaliya ay si khaldan uga faa’iideysanayaan oo ay uga dhigayaan inay maamulayaan hawada Somaliland, taasna gacantaan ku haynaa xalkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Duulista iyo Garoomada Somaliland, Fuaad Axmed Nuur.

Wasiir Fu’aad ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta uu muranka badan ka dhashay ee dalku galka E-Visa ee ay ka horyimaadeen, isaga oo sheegay “in ay u caddeynayaan adduunka in Soomaliya aysan awood sharci ku lahayn Somaliland”, “uusana ka shaqaynayn deegaankooda fiisa kasta oo ay soo saaraan”.

”Waa sax e-visa dadka waa la weydiinayaa, laakiin xaqiiqadu waxa weeyaan oo aan gacanta ku haynaa oo aan adduunka u caddeynaynaa oo UK iyo wadamada kaleba u caddeynay in aanay Soomaaliya awood sharci ku lahayn Somaliland, fiisa kasta oo ay soo saaraana aanu Somaliland ka shaqaynayn oo aan lagu gali karaynin”. Ayuu yiri