Heemaal News Network

Mashruuc $112 Milyan ah oo Hakad Galay Sababo la xiriira Muran Maamul

Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo rasmi ah, Bangiga Aduunka ayaa go’aan ku gaaray in uu joojiyo Barnaamijka Baxnaano, oo uu maalgelinayay 10-kii sano ee la soo dhaafay, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday faragelin toos ah oo lagu sameeyay maamulka mashruuca.

Barnaamijka Baxnaano oo dhawaan loo kordhiyey wejigiisii labaad, ayaa la sheegay in la hakiyey kaddib markii DFS ay diidday in ay la shaqeyso Madaxa Mashruuca Baxnaano, Marwo Fardowsa Cabdullaahi, arrintaas oo Bangiga Aduunku u arkay mid aan sharci iyo sabab toona lahayn.

Qeybta cusub ee mashruuca hadda la joojiyey ayaa ku kacaysay lacag dhan 112 milyan oo doollar, waxaana ka faa’iideysan lahaa ku dhowaad hal milyan (1,000,000) oo qoys oo Soomaaliyeed oo danyar ah, iyo sidoo kale 20,000 oo dhalinyaro ah oo heli lahaa xirfado iyo fursado shaqo-abuur. Sidoo kale, boqolaal shaqaale ah oo si toos iyo si dadbanba ugu xirnaa mashruuca ayaa shaqo la’aan noqonaya, iyadoo la xirayo dhammaan xarumihii uu mashruucu ka hawl geli jiray.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, oo taageero ka helaysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ay dadaal ugu jirto sidii ay u meelmarin lahayd damaceeda ku aaddan la wareegidda ama faragelinta mashruuca.

Dadaalladaas waxaa hormuud ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Yuusuf Xasan, oo sida la sheegayo wadaaga xiriir qaraabo (xididnimo/gacalnimo) Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Bangiga Aduunka ayaa si cad u diiday codsiyada uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka, iyagoo ku adkeystay in aan si sharci-darro ah xilka looga qaadi karin madaxa mashruuca ama shaqaalaha kale ee ka hawl gala. Waxa ay Bangigu uga digeen Dowladda Federaalka faragelin deg-deg ah, iyagoo caddeeyey in haddii aan faragelintaasi istaagin ugu dambeyn 31-ka December 2025, ay si rasmi ah u joojin doonaan mashruuca oo dhan, arrintaas oo noqon doonta fadeexad weyn oo saameyn ku yeelan doonta kalsoonida caalamiga ah ee Soomaaliya.