Ugu yaraa 6 qof oo Somali ah, ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Dheka-Suftu ee gobolka Liibaan ee Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya.
Dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ayaa la sheegay inuu dhex maray qoomiyadaha Oromada Iyo Somalida, ka dib markii la soo weeray dad shacab ah oo ay weerareen ciidamo Oromo ah, balse ay iska caabiyeen.
Goobta uu dagalku ka dhacay ayaa la sheegay inay caawa degden tahay oo ay soo gaadheen ciidamo Millateri ah, in kasta oo ay dadku ka cabsi qabaan in loo hoosaasiyo cadawga ay is hayaan ee Oromada.
