Heemaal News Network

Xildhibaanada Labada Aqal Oo isku Raacay Miisaaniyadda Qaranka ee 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo si rasmi ah loogu ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Miisaaniyaddan oo gaareysa $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol afartan iyo laba doollar), ayaa lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh, kaddib dood iyo falanqeyn ay mudanayaashu ka yeesheen.

Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 174 xildhibaan ay oggolaadeen miisaaniyadda, halka afar xildhibaan ay ka codeeyeen diidmo, hal xildhibaanna uu ka aamusay.

Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026 ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka, xoojinta adeegyada bulshada, amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay saldhig u noqon doonto fulinta himilooyinka qaranka iyo dardar-gelinta horumarka dalka sanadka soo socda.