Heemaal News Network

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Oo Tababar la Qaadanaya Ciidamada Gaarka ah ee U.S Navy Seals.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay inuu daal badan dareemay sidii uu tareen xamuul ahi uu jiidhay ka dib markii uu ka qayb qaatay muddo hal saac iyo badh ah tababarka ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ee loo yaqaano U.S Navy Seals.

Tababarkan oo ka dhacay California ayaa sawiarada la baahiyay ay muujinayeen Madaxweyne ku xigeenka oo la ordayay Askarta , qaadayana qoryo culus sidoo kalena wuxuu samayeenayay jimcisiyo adag isagoo fuulay shabaq dheer.

Warbaahinta Fox News ee Maraykanka oo baahisay sawirada iyo warkan ayaa dhacdadan ku sifaysay in Madaxweyne ku xigeenku u muujinayay ciidamada tageerada uu u hayo iyo inuu ogsoon yahay dhibka iyo daalka ay askartu maraan.