Heemaal News Network

Israa’iil Oo Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al Harji Mushaar siinaysa Difaaca Bulshada Druze ee Koonfurta Suuriya.

Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Washington Post ayaa daahqaaday inay Israa’iil mushaar bille ah siiso saddex kun oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al Harji oo sheegta inay difaacaan bulshada Druze ee deggan koonfurta Suuriya , iyadoo warbixinta ay xaqiijisay inay Israa’iil sidoo kale kooxdan hub u dirto, halka sidoo kale tababbaro milatari la siiyo.

Wargeyska wuxuu sheegay, in ujeeddadu tahay kooxaha Druze inay goostaan dhulalka ay degganyihiin ee dalalka, Suuriya, Lubnaan iyo Ciraaq.

Dhinaca kale Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa maanta hadal uu jeediyay ku sheegay in Israa’iil aysan ka bixi doonin dhulka ay Suuriya ka heystaan wuxuuna yiri ; “Waligeen kama bixi doono hal taako oo dhulka aan Suuriya ka joogno, si la mid ah kama baxeyno Qasa, waxaana ka billaabeynaa deegaameyn.”