Ruushka ayaa weerar uu u adeegsaday in ka badan 600 oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo 30 gantaal ku qaaday Ukraine.
Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay weerarka oo uu ku jiro canug afar jir ah oo lagu dilay bartamaha gobolka Zhytomyr.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo ka hadlay weerarka weyn ee dalkiisa kusoo qaaday Ruushka ayaa yiri “Putin wali ma aqbali karo inuu joojiyo dilka,”
