Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeey ayaa kordhiyay mudada howlgalka AUSSOM ee Somalia ilaa December ee 2026.
Dhanka kale 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in la xiro xafiiska UNka ee Soomaaliya oo jiray tan iyo sanadkii 1991.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladiisa ayaa mudo raadinaayay go’aanka xirista xafiiskaan oo awood dheeri ah lahaa.
Qaraarka, oo ay soo diyaarisay UK, wuxuu sii xaqiijinayaa joogitaanka 11,826 askari iyo boolis, isagoo carrabka ku adkeynaya baahida taageero iyo maalgelin caalami ah si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo la dagaallanka Al shabaab
Sidoo kale, wuxuu dalbaday qaraarla in la sii wado qiimeyn wadajir ah oo ay sameeyaan QM, Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya, si loo dardargeliyo wareejinta mas’uuliyadda amniga.
Inkasta oo khilaaf ka dhashay ku darista mustaqbalka xafiiska QM ee Somalia UNTMIS, qoraalka kama dambaysta ah ayaa xaqiijinaya in UNTMIS la soo gabagabeyn doono 31 Oktoobar 2026, sida qorshaha kala-guurka uu dhigay.
Soomaaliya iyo dalalka kale Africa ayaa diiday in mudo dheeri ah la siiyo xafiiska UN-ka ee Muqdisho taas oo hada la isku raacay in la soo gabagabeeyo.
