Beerku waa xubin aad muhiim u ah jidhka bini’aadamka. Waxa uu ka shaqeeyaa sifaynta dhiigga, ka saarista sunta, dheef-shiidka cuntada, iyo kaydinta tamarta. Haddii beerku caafimaad qabo, jidhku si guud ayuu u shaqeeyaa si wanaagsan.
Si loo ilaaliyo caafimaadka beerka, cunista cuntooyin caafimaad leh waa arrin muhiim ah. Cuntooyinka sida bunka, shaaha cagaaran, midho caska (Cranberries), dhafaruugta (blueberries), Liinta cas ee qadhaadh (Grapefruit), canabka, baytaraafka (Beetroot), tiinka, khudrada (bahda kaabajka), looska, kaluunka dufanka leh, saliid saytuun, huruuda (Turmeric) caleenta cagaaran (bahda Salaadka) iyo toonta, ayaa caawiya yareynta bararka, ka hortagga dufanka beerka ku urura, isla markaana taageera shaqada beerka.
Dhanka kale, cuntooyinka ay ku badan yihiin dufanka, sonkorta, cusbada, iyo cabbitaanka khamriga badan waxay waxyeello u geysan karaan beerka, sidaas darteed waa in la yareeyo ama laga fogaado.
Intaa waxaa dheer, jimicsiga joogtada ah, ilaalinta miisaan caafimaad leh, iyo nadaafad wanaagsan ayaa kaalin weyn ka qaata ilaalinta caafimaadka beerka. Marka la isku daro cunto sax ah iyo hab-nololeed caafimaad leh, waxaa suuragal ah in la helo beer caafimaad qaba iyo nolol tayo leh.
